Text Size
Monday 20 May 2013
French (Fr)English (United Kingdom)
Bibliography Various texts

14 april 2007

Aabahay ? Wuxuu ahaan jiray geel jire, iyo nin milixa qoda oo beec geeya

Tani waa sheeko I soo doonatay, waxaan iska yeel yeelayaa sidii oo aanan maqlin, laakiin way ku adkaysatay, markaasaan soo galiyay. Waxaanan doonayaa in aan sheekada ka sheekeeyo.

Waxaad doonaysaa in aad ogaato shaqada ugu adag dhulkan aan ku nool nahay, si culus ha u fiirin. Dahab ka qodista dhulka Waqooyiga miyaa ? Maya, tan waxaa lagu ogaan karaa wareegyada ugu horeeya. London in macalinimo looga shaqeeyo ? Waa wax loo dulqaadan karo, hadii caruurtu edeb leeyihiin waxna maqlayaan. In Qubrus laga ugaarsado waxyaabaha birbirqa, iyo Soqadara ama Maldives ? Maya, taas naftirkeeda waxay noqonaysaa shaqo sahlan, hadii aad hesho dhawr sanno oo tababar ah. Hadii aad Sishelis haraadi taariikh leh ka raadiso ? Ama aad dhir ka gurto Gabon. Waxaas oo dhan xaqiiqdii shaqooyin ma aha. Shaqada ugu adag aduunka waa geel jirenimo looga shaqeeyo dal cimiladiisu kulushahay, oo ku yaal meel u dhaxeysa Gacanka Pershiya iyo lama dagaanka Libiya iyo Geeska Afrika.

Geel jire sida Aabahayga gaboobay uu mar ahaan jiray, Ilaah ha u naxariistee. Halkaas oo dhulku xumaa, abaarahuna ay ku soo noqnoqan jireen, meel xoolaha inta badan aan rukuub la saarin, hadii kale oo aan rukuubkaba aqoon loo lahayn.

Taasna waxay ka mid tahay dhibaatooyinka dadka dhulkan ku dhaqani ay wali u dulqaataan, ayagoo ku faraxsan. Wali kama hadlin geela oo loo naxo. Kani waa "Markabka Saxaraha" taas oo aan marmar geela u naqaan, amiirka geediga, boqorka Gobolka oo dhan. Geela sannadka oo dhan heeso amaan ah ayaan u qaadnaa. Mar kasta iyo xaalad kasta ayaa sharaf lagu sheegaa, taas oo xad dhaaf gaartay oo ay Somalidu u hibeeyeen suugaan badan oo geela oo kaliya lagu amaanno. Magacyada quruxda badan ee gabdhaha iyo wiilasha loo bixiyo ( Sida Idil, Kooraan, Mandeeq,etc) waxaa laga soo dhiraan dhiriyay amaanta geela ay u jeediyeen dad hore.

Laakiin, maxay ka kooban tahay howsha geel jirahu ? Marka hore, waxay ku xiran tahay inta qofka da’diisu tahay. Wuxuuna bartaa ka hor inta qofka aysan nolol joogto ah u noqon. Wiil yar ayaa markaa u taga oo ku biira geel jireyaal, ujeedadiisuna waxay tahay in loo diyaariyo nolosha qof wayn, dhibaatooyinkeeda badan iyo waxyaabaha ay tahay in loo huro. Wiilkaas wuxuu qoyskiisa iyo saaxiibadiis ka maqnaan donaa mudo dheer, inta uusan dhamaystirin safarkiisa ugu horeeya. ( Ereyga "Safari", waxaa loo adeegsadaa dadka dalxiiska ah, ee Kenya Túsale ahaan, waxaana laga soo qaatay eray Carabi ah oo macnihiisu yahay "Safar" ama geedi.)Aan si kale u dhigee, waa safar qof reer baadiye ah oo dhulka miyiga ku nool uu ku tagyo magaalooyinka xeebaha ku yaal sida, Djibouti, Tadjoura, Assab, Bosasso, Massawa, Berbera ma Mogadishu.

Safarku wuxuu noqon karaa mid lagu tago dhul fog, sida xeebaha Sawaaxilka. Ereygaas macnihiisa Carabiga waxaa lagu yiraahdaa Xeeb. Xadku wuxuu si sahal ah ku noqon karaa Mombassa, Lamu, Jasiirada Pemba, arkibeligaha Comores iyo Zanzibar, dhulkaas oo ay dadaka dunida safraa ay wali citiqaadaan in ay tagaan.

Hadiyadaha ugu wanaagsan ee la bixiyo munaasabadaha waawayn, sida guurka, waxaa hubaal ah Aabahaygii gaboobay, Ilaah ha u naxariistee, ayaa hada ka hor sidaas oo kale geel u bixiyay muddo hadda laga joogo in ka badan konton sanno. Laakiin aan ku noqono geela, geel jireyaasha dhexdooda waxaa ka jira isku duubni, xataa marka cidlo la joogo oo mid kaligii laga tago, ayadoo haraad darani jiro. Marka dhanka la aado ama Inta u dhaxeysa baliyada, dadka safarka ah ee luma si diiran ayaa loo salaamaa erayo wanaagsana waa lagu soo dhaweeyaa. Waxaana laga caawiyaa in Awrta lala furo, waxaana mar kasta la siiyaa martigalin wanaagsan. Waxaana sidoo kale dhici karta in uu naag guursado inta safarka uu ku jiro.

Marka aan ka hadlayno geel jiraha cusbada gurta, waxaa muhiim ah in uu howshiisa dhameeyo inta aanay qoraxdu soo bixin, sababta oo ah kulayku wuxuu dhaafaa Konton sentigarayt halka cusbada laga gurto ee baliga Assal iyo Abbe ee Jamhuuriyada Djibouti. Qalabka la haystaa ma badna, inta badan wuxuu sitaa jab dhagax ah oo uu cusbada ku burburiyo, gacan baa lagu soo ururiyaa ama gasac duq ah oo caano boore ka dhamaaday. Marka jawaanada la buuxiyo lana raro waxaa la galaa safar maalmo qaata inta aan la tagin suuqyada Etiopía ama Somaliya ; dhulka Hawd ama tuulooyinka Ogaden, beeralayda Wollo, Choa ama Hararghe. Kuwaas waa heerarka aan isbadlin ee la maro, laga soo bilaabo markii raga gobolkan ku nool ay fikrada ah in la gurto cusbada oo biyaha dushooda ku samaysanta dhinacyada xeebaha. Kala balasho sidaas oo kale ah ayaa meelo kale ka dhaca oo ay ka mid yihiin, Saxil oo Mali ah, Gambiya ama Sudanta u dhaw.

Ugu dambaynta waxaa sharaf u ah geel jiraha yarka ah ee gobolkan in uu qaato gas bahal si u hanno qaad iyo qof wayn u noqdo. Hadii uu Ilaah raali uga noqdo in ay mudo dheer noolaadaan, waxaa laga yaabaa in aad kula kulanto wadooyinka isku xira Ethiopia ama buuraha Ogaden. Dabcan, geelooda waxaad ku garan buuro cusbo ama milix ah oo ku raran, waxaana lugaha ugu xiran harag ari dabaly baana ku soo dhacday. Socodkoodu wuu sharqan badan yahay, waxayna saanta u qaadaan si fudud oo isla dhac leh. Ayaga oo aan caban ayay socdaan, way socdaan ayaga oo aan istaagin, talaabadooduna waa mid dhawaaq iyo fudayd leh, ma istaagaan ilaa ay halyeeyada wataa biyo u baahdaan, ayagoo dhuunta qoysanaya.

© Abdourahman A. Waberi